Tuesday, July 15, 2014

Waa Maxay Dhaqaale(economics)?






Weydiin: Waa maxay dhaqaale?
War-celin: Marka laga jawaabayo Weydiinta ah “waa maxay dhaqaale”? ,ma jirto jawaab la isku raacsan yahay  taas oo adduunka dhammi isla ogyahay, waxaase jira qaaabab kala duwan oo ay Aqoonyahannada cilmiga Dhaqaalaha ku takhasusay ama bartay ay uga jawaabeen su’aashan.

Sidee ayay aqoonyahanada Cilmiga Dhaqaalaha  uga jawaabeen “waa maxay dhaqaale
Qaamuuska Dhaqaalaha ee Economists ayaa wuuxu ku qeexay dhaqaaalaha in uu yahay “ Barashada wax soo saarka(production) ,Qeybinta ( distribution)iyo sidoo   kale isticmaalka(consumption ) ee  hantida bulshadda.
Sidoo Kale Mac’hadka caanka ah ee Saint Michael's College  ayaa asna wuuxu  uga jawaabay weydiintan “waa maxay dhaqaale  war-celinta ah (waa daraasadda ama barashada  Go’aan qaadashada iyo kala doorashada  )
Waa Maxay dhaqaale?  Aniga oo ah qoraaga Maqaalkaan side ayaan uga jawaabi lahaa Weydiintan?
Hadii  aniga oo imtixaan (test) ku jira la I weydiin lahaa su’aashan ah (waa maxay dhaqaale) jawabteydu waxay noqon  lahed:
“waa barashada ama daraasadda sida ugu wanaagsan oo  ay shaqsiyadku(individuals)iyo Kooxuhu(groups) Go’aanadda  u qaatan Iyaga oo heysta Kheyraad kooban Doonayana in ay dharjiyaan rabitaankooda(wants),baahidooda(needs) iyo damacyadooda(desires)”
Marka an eegno Qeexitaankan ugu danbeeya waxaan kala soo dhex bixi karnaa inuu dhaqaaluhu u qeybsamo laba qeybood oo kaa ah - microeconomics iyo  macroeconomics.
Waa Maxay microeconomics?
Microeconomic wuxuu la tacaamulla Go’aanadda dhaqaale kuwaas oo u dhaxeeya  heerarka hoose (micro), hadii an isku dayo in an sii fududeeyo wuuxu noqon karaa Qeexaatanka Microeconomic:
“ falanqeynta Go’annadda ay qaatan shaqsiyaadka iyo kooxaha ,  waxyaalaha go’aanadaas saameyn ku yeesha iyo Dadka ay saameeyaan go’annaddaasi”.
Waa maxay Macroeconomic?
Wuxuu baaraa dhaqaalaha guud ahaan wuuxna ka jawaabaa su’aalaha kala ah:
Ø  maxaa sababa inuu dhaqaaluhu markasta kordho?
Ø  Maxaa keena isbedbedelka- muddada gaaban ee dhaqaalaha?   
Ø  Maxaa saameyn ku yeelan kara kala duwnaashaha qiimaha sideyse  u saameeyaan waxqabadka dhaqaalaha?
Qaabka ugu wanaagsan ee lagu fahmi karo Macroeconomic  waa in lala barbar dhigaa Microecnomic kaas oo tixgaliya go’aanadda lagu gaaray  heer shaqsi ah ama shirkad.
Macroeconomic wuxu tixgaliyaa suurradda weyn  ama sarre ee heer dowladeed wuuxu sidoo kale daraaseeya  wadarta  go’aannadda heerka hoose (micro).
Waxaase si kooban loogu qeexi karaa Microeconomic  in uu yahay “laan ka mid ah laamaha dhaqaalaha taas oo daneysa waddarta dakhliga qaranka,isticmaalka hantida qaranka iyo Maal-gelintaba’.

Mahadsanidiin.

No comments:

Post a Comment