Thursday, November 3, 2016

WAA MAXAY BALANCE SHEET ?. SIDEESE LOO QORAA ?.Q1aad.


Warqadda dheellitirka (BALANCE SHEET) oo ay la socdaan warqadda caddeynta dakhliga (faa’iido iyo khasaaro) iyo dhaqdhaqaaqa lacagta cad (cash flow), waa qaababka ugu muhiimsan, ee lagu cabbiro awoodda dhaqaale ee ganacsiga (shirkadaha). Waxay koobtaa hantida shirkadda (ASSETS) deymaha lagu leeyahay (LIABILITIES) iyo xuquuqda milkiilayaasha (OWNER’S EQUITY). Waxaa loo isticmalaa si loo ogaado qiimaha guud ee ay shirkaddu joogto.
Si kooban, warqadda dheellitirku waxay tustaa hantida ay shirkaddu leedahay iyo deynta lagu leeyahay. Labadaas waxaa sii dheer, in warqadda dheelitirku ay caddeyso xuquuqda maalgaliyayaasha. Mar kasta, shirkadda hantideedu waa in ay la ekaataa deymaha shirkadda lagu leeyahay oo lagu daray xuquuqda maalgaliyayaasha.
Waxaa laga ma maarmaan ah, in la fahmo warqadda dheellitirka shirkadda, si loo hubiyo awoodda dhaqaale ee ganacsiga. Sida caadiga ah, marka hantida shirkaddu ay ka badan tahay deymaha lagu leeyahay, waxay ka dhigan tahay, in shirkaddu xooggan tahay dhaqaale ahaan, qiimaheeduna uu sarreeyo. Taas baddalkeed, marka deymaha shirkadda lagu leeyahay ay ka badan yihiin hantideeda guud, waxay ka dhigan tahay, in awooddeeda dhaqaale ay liidato qiimaheeduna uu hooseeyo.
Warqadda dheellitirka waxay ku  caawisaa milkiilayaasha iyo maamulayaasha, in ay fahmaan awoodda ama taagdaridda shirkadda iyo in ay meelmariyaan xeelado ku aaddan sidii horay loogu socon lahaa. Warqadda dheellitirku waxay ganacsiga ku caawisaa, in ay fahmaan badeecadda markaas xowliga ku socota inta bandanna waxaa la isticmalaa marka la la macaamilayo shirkadaha deymaha bixiya sida bangiyada iyo maalgaliyayaasha.
QAABKA QORISTA WARQADDA DHEELLITIRKA: Warqadda dheelitirku waxay sawir guud ka bixisaa qiimaha shirkadda waqti cayiman, sida dhammaadka sanadka. Waxaa muhiim ah, in la abuuro, dib u eegisna lagu sameeyo awoodda ganacsi ee shirkadda, si loo ogaado halka ay shirkaddu ku socoto.
Sida erayga ka muuqata, warqadda dheelitirku waxay ka kooban tahay laba tiir (column) oo xisaab ahaan is la siman.Tiirka hore wuxuu ka kooban yahay dhammaan hantida ay shirkaddu leedahay. Tiirka labaad waxaa lagu aruuriyaa deymaha shirkadda lagu leeyahay iyo xuquuqda milkiilayaasha sida ay muujineyso
isla egtan :Assets =Liability+ Owner's equity.
La soco qeybta labaad bisha danbe .
Qoraalkan markii ugu horreysay wuxuu kusoo baxay wargeyska Gobolada dhexe Bishii November 2016.
 
  

CILMI BAARIS LAGU SAMEEYAY MUWAADINIIN U KALA DHASHAY INGIRIISKA IYO SOOMAALIA


 Afar ruux oo laba Soomaali tahay labadana kalana Ingiriis yihiin ayaa cilmi baaris lagu sameeyay. Cilmi baarisktu waxay salka ku heysaa in lagu ogaado sida ay afartaas qofu u adeegsadaan xirfadaha ismaqalka , wada hadalka ,is qancinta iyo dhibaato xallinta .Waxaa koox kasta si gooni ah loogu dhiibay Caag laba midab oo kala gaddisan kooban. Caaggu dhinacna guduud ayuu ka yahay dhanka kalena caga...ar. Koox kasta waxaa loo qabtay in ay muddo toban daqiiqo ah kusoo saaraan midabka caagga.Shuruucda cilmi baarista waxaa ka mid ah in ruux kasta kaliya ku ekaado dhinaca soo jira ee uusan fiirin caagga dhinaciisa kale .
Doodii ayaa bilaabatay.
Labadii Nin ee Soomaalida aheyd :
Abdi: war haye gaaladaanu in ay na waalaan ayey rabaan caag uu indhooluhu xitaa arki karo midabkiisu inuu guduud yahay ayey na leeyiihin midabkiisa sheega . Balo idin heshay.
Faarax: Gaaladu caqli xumadaada ayey ogaayeen marka ay caaggan midabkiisa na weydiiyeen!. Ma caaggaan cagaarka ah ayaad leedahay waa guduud?!. Wallee adiga iyo gaaladii caaggaan cagaarka ah midabkiisa sheega na yiri in aadan kala rooneyn!.
Abdi: War illeen balo!. War ninyahow orod oo ookiyaalo soo xiro !.
Faarax: aniga ayaa kaa naxaayee , saaxiiboow , Karooto cun. Run ahaan indhahaagu baxar ayey ku jiraan haddiiba midabkii cagaarka ahaa ay guduud kaaga dhigeen.Intaas marka ay mareyso ayaa tobankii daqiiqo ee loo qabtay dhacday.
Dooddii Labadii Nin ee Ingitiiska ahaa:
Dunn: Waxaa nala faray in aan caaggaan midabkiisa soo saarno, soow ma ahan ?
Duff: Haa, waa runtaa. Aniga dhankeyga midabka caaggu waa cagaar.
Dunn: Hagaag. Sidaas si ka gaddisan anigu waxaan arkaa midab guduud ah !.
Duff: Markaas waxay ka dhigan tahay in caaggu laba midab oo kala gaddisan leeyahay?
Dunn: waa sidaas.
Waqtigii tobanka daqiiqo ahaa ee loo qabtay ayaa dhamaaday.
Ka dib kooxdii cilmi baarista sameeynaayay ayaa labadii nine e soomaalida ahaay weydiiyay midabka ay soo heleen. Mid ka mid ah ayaa yiri( Anigu waxaan soo ogaaday inuu caaggu cagaar yahay, ninkaan saaxiibkeey ahna wuxuu leeyahay caaggu waa guduud marka waa isku wareernay!). Wuxuu sii raaciyay “ haddii aad cilmi baaris danbe sameyneysaan nin wax arkaaya igu dara”. Kii kale oo xanaaqsan ayaa yiri “ war ninkaan waxba ma arko ee fadlan isbitaal u dira!”.
Labadii nin ee Ingiriiska ahaay ayaa la weydiiyay midabka ay soo heleen . Mid ka mid ah ayaa labadooda u hadlay wuxuuna yiri “ waxaan soo ogaannay in caaggu laba midab oo kala gaddisan leeyahay. Dhinac caggaar ah iyo dhinac guduud ah”.

FG: Cilmi barista aniga ayaa sameeyay, waana mid qiyaali ah .Kama dhigna in dhammaan soomaalidu ay sidaas u dhaqmaan.

Tuesday, January 26, 2016

Shacabkii la Dulleystay!.

Shacabkii la dulleystay !
Hadda ka hor ayaa laba madaxweyne oo midna Reer Galbeed yahay kan kalana Afrikaan yahay ayaa iyaga oo meel maqaaxi ah ku caweynaaya waxaa meel aan sidaas uga fogeyn ka dhacay qarax aad u xooggan . Labadii madaxweyne ayaa u orday halkii uu qaraxu ka dhacay.Madaxweynihii Reer Galbeedka markii uu goobtii gaaray ayuu wuxuu maqlay muwaadiniin waddankiisa u dhashay oo caawinaad dalbanaayay , isla markiiba intii uu caawin karo ayuu caawiyay , wuxuu sidoo kale u yeeray gaariga gargaarka degdegga ah (UMBLANCE).Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ayaa asna isha ku dhuftay laba ruux oo waddankiisa ka soo jeeda kuwaas oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa kaalmana u baahnaay, afka ayuu labadiisa gacan ka kala saaray si aan loo maqlin qeyla dhaantooda, labadii ruux halkaas ayeey ku naf waayeen.
Sheekadaan waxaan ku soo xasuustay, ka dib, markii aan aqriyay dacwad ka dhan ah Ra’iisalwasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirahmaan Odawaa, oo loo gudbiyay Gudoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf.Dacwadda ayaa waxaa la sheegay in ay gudbiyeen xisbiyada ka jira waddanka oo tiradooda lagu sheegay laba iyo labaatan(22) xisbi siyaasadeed , sababtuna waxaa aheyd ayaa la yiri ka dib markii CCC iyo Odawaa ay ku xadgudbeen xuquuqda xisbiyada.
Bal raggaas maskaxdooda eega. Maalmo ka hor ayey aheyd markii shacab masaakiin ah lagu xasuuqay Xeebta liido, ma jiro hal xisbi oo arrintaas ka xumaaday , hadda aan qoraalka qoraayo Gobolka Gedo waxaa ka socda duqeyn cirka ah oo loo geysanaayo dadka shacabka ah ee Gobolkaas dega , Sidoo kale dowladda kiiniya waxay si aan gambad laheyn u sheegtay in Beel ka mid ah Beelaha soomaaliyeed ee dega Gedo in ay taageero siiyaan Al-shabaab , taas oo ka dhigan in ay Beeshaas bartilmaameedsan doonaan,weli amaad maqasheen siyaasi hebel ayaa ka hadlay dhammaan arrimahan xasaasiga ah ee aan kor ku xusay ? jawaabtu waa maya, maxaa yeelay, waxa uu dhibku gaaraayo shacaboow waa adiga, waxa dhimanayaa waa adiga, kan gaajada iyo harraadku dilaayaan waa adiga,kan caafimaad la’aantu iyo guri la’aantu heyso waa adiga,kan jaranjarta u ah siyaasiga ee uu ku Owr kacsado waa adiga , kan ay Al-shabaab dilaayaan waa adiga Kiiniya waxa ay dileyso ma ahan siyaasi ee waa adiga.

Ruux kasta ee Soomaaliya ku dhibtoon siyaasi ma ahan ee waa adiga shacaboow !!!.
Siyaasigu, ama Xalane ayuu ku jiraa oo dhagaxyaan waa weyn ayuu jidka ku gooystay gaari aysan xabbadu karina wuu dhex galay, ama Hotel iyo hooy qurxoon ayuu dhex dangiiga,sidoo kale waxaa u qaybsan naftiisa ilaalinteeda iyo dhimasho ka jirkeeda, waardiye adag oo habeen iyo maalin dul taagan, halkaas ayuu Tv-yada Wariyaasha maasaakiinta ah ka shaqeeyaan midba mar u yeertaa asaga oo dhereg dhacsanaya, dhididkiisuna subag yahay, barruurta korkiisa awgeed iyo caloosha ka horreysa dhawrka sintimitir.
Bulshooy, haddaad dib u eegto ninkaa siyaasiga ah, maalmo ka hor intaan xilka loo dhiibin, caato iyo weyd awgeed, dabayshaa rideysay, jamiista iyo jidhifta oogadiisana waxaad moodeysay, Qulka iyo malowga xeryaha ariga gala, maanta waa kaa cifanaya sidii, xooluhu ban geedo buuxaan lagu sii daayey.Siyaasiga carruurtiisu waxay waxay ku noolyihiin waddan nabad ah , taas waxaa la jira in in la bixiyo biilalkooda , waxbarashadooda , caafimaadkooda iyo cuntadoodaba.
Reer xamarka ayaa ku maahmaaha “Ishiis laga arkaa Ushiis lagu tumaa”, shacabka soomaaliyeed ma aaminsana in ay xaquuq leeyiihin, ma aaminsana in ay siyaasiga la xisaabtami karaan, ma aaminsana in ay yihiin awoodda dalka xukunta, ma aaminsana in ay siyaasiga xeer xiro iyo xad uu leeyahay, sidoo kale iyaguna xuquuq iyo xeer leeyihiin, wixii danahooda ahna kala xaajoon karaan, marka ay halkaas sheekadu mareyso siyaasigu sow xaq uma laha inuu iska indho tiro dadka la duqeeyay iyo kuwa la xasuuqay isla markaana raadsado xaq asaga shaqsi ahaan ka maqan.
Haddaad aragto qof lixdiisa laxaad qaba oo albaab hor taagan uu furihiisa gacanta ku haysto, markaad weydiisona uu kuugu jawaabo, waxaan sugayaa qof iga fura, la yaab, haddaad dhahdo, furahana muxuu ahaa wuxuu? Uu kuugu warceliyo, waa kii albaabka, maxaad u furi weyday haddaad dhahdona, ku yiraahdo, ma awoodo, oo albaabka intaas le’eg ma furi karo, waxaad markiiba qofkaas ku sunteysaa, DOQON maya DABAAL iyo qof garaadka naafo ka ah, sax waa yahay.
Shacabka iyo bulshada Soomaaliyeed waa inay dareemaan, inay albaabka furi karaan(Siyaasiga) Lana hadli karaan, la doodi karaan, dhaliili karaan, ku bannaanbixi karaan, la xisaabtami karaan, iyagoon hub qaadan dagaal iyo duulaana gelin.Maskaxdu ha shaqeyso, dadkuna xaqooda ha ogaado, Siyaasuguna inuu adeege bulsho yahay waa inaynu baranaa, hadduu noo adeegi waayona aynu kalsoonida kala laabano, shaqadana aynu ka cayrino.

  • Waa duni la kala iibsaday, oon nala ogeysiine
  • Waa duni akhyaartii go’day, oo aaran soo hadhaye
  • Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye
  • Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye.
Qormadaan Markii ugu horreysay waxay kusoo baxday website-ka caanka ah ee www.laashin.com

Friday, January 22, 2016

Ka foojignaaw ruuxa aragtida Gurracan !.

Ka fogaaw Ruuxa aragtida Gurracan leh .
Markasta ee uu afka kala qaado xummaan ayuu ku hadlaayay, ma aysan jirin hal mar oo uu wax wanaag ah ii sheegay . waxaan dareemay in wax kasta oo wanaag ah oo aan arkaayay oolyo dusha looga shubay , ka waran adiga oo subaxdii aroor hore afar xabbo oo canjeero/ laxoox ah saxan laguugu soo riday kaddibna si lama filaan ah Oolyo lagaaga shubo maxaad dareemi laheyd ? . Wax kasta waxay ahaayeen rajo la’aan , macno la’aan , dadku waxay ahaayeen caqli la’aan , rajo la.aan . Fikraduhuna waxay ahaayeen kuwo aan macquul aheyn oo ay adag tahay in ay suuro galaan . Waan hubaa hadda waxaa niyadda kaaga soo dhacay ruux la mid ah saaxiibkeey Faarax ( magac beenaad ). Faarax wuxuu aad u jecel yahay inuu faafiyo Propogaandada iyo kutirikuteenta , xataa hadii ay arrintu u dhici weyso sida uu qiyaasay wuxuu isku dayaa inuu muujiyo in uu run sheegaayay.
Dadka aragtida Gurracan leh kuma noola nolol ay farxad iyo guulo ku dheehan tahay , waxayna jecel yihiin in ay kugu daraan nolosha ay ku nool yihiin , sidaas darteed waxaad u baahan tahay inaad inta ay goori goor tahay is badbaadiso oo aad ka dheeraato asxaabta aragtida Gurracan u saaxiibka ah .

Waalidu waa inaad sameysaa wax isku mid ah marar badan haddana aad sugtaa natiijooyin kala duwan ( Albert Einstein ).

Marka hore Waxaan halkaan tacsi uga diraayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed , kaddib waxaan si hoose ugu tacsiyeynaaya dhammaan intii ehel, qaraabo , asxaab, walaalo, waalid iyo caruurba ku waayay weerarkii xalay ee Liido lagu qaaday .
Mudane Madaxweyne Laba sawir oo aad LIIDO kusoo gasho waxba uma taraayan dadkii ehelkoodii ku waayay weerarkii xalay. Waxayna ka dhigan tahay Meeshii xalay ehelkiinnii lagu laayay aniga ayaa saakay sawir kusoo galay ee I arka !.
Mudane Madaxw...eyne waxaa loo baahan yahay in aan wax ka bedelno xeeladdii ay dowladdu u dajisay sidii nabad gelyo waddanka loogu soo dabaali lahaa mar haddii ay shaqeyn weysay. Waxaan marnaba caqli gal aheyn in qaab aan u jeedno in uusan shaqeyneyn in aan si indho maqiiq ah ugu sii shaqeyno. Haddii aad rabo inaad hesho natiijo ka bedelan tii hore waa inaad wax ka bedeshaa qaabkii aad wax u qaban jirtay jidkii aad raaci jirtayna aad bedeshaa. Imisa qarax oo nuucaan oo kale ah ayaa Intii aad xilka heysan Mugdishu ka dhacay ?, ma jiraan wax tallaabo ah oo ay dowladaadu qaadday ?.Mudane madaxweyne , meesha dhibka ugu weynu uu ka jiro waa dhanka sir doonka iyo wasiirka amniga iyo kan sirdoonka oo aan aqoon baaxsan u laheyn arrimaha la xariira sirdoonka iyo ka hor tagga weerarada nuucaan oo kale ah. Mudane madaxweyne goorma ayaan arki doonnaa adiga oo xilalka la xariira ciidamada iyo sirdoonkaba u magacaaba dad qibrad u leh shaqadooda ?!. Waxaan hubaa in ay jiraan rag ka qibrad iyo xirfad badan kuwa hadda jagooyinkaas haaya!...
Waxaa hubaal ah in marka ruux kasta shaqada uu qaban karo loo magacaabo in markaas ay fududaan doonto in lala xisaabto ruuxaas , balse qof aan waxba ka ogeyn waxa uu qabanaayo qaab aan la aqoonna lagu shaqaaleysiiyay sideed ula xisaabtami kartaa?.