Friday, January 22, 2016

Waalidu waa inaad sameysaa wax isku mid ah marar badan haddana aad sugtaa natiijooyin kala duwan ( Albert Einstein ).

Marka hore Waxaan halkaan tacsi uga diraayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed , kaddib waxaan si hoose ugu tacsiyeynaaya dhammaan intii ehel, qaraabo , asxaab, walaalo, waalid iyo caruurba ku waayay weerarkii xalay ee Liido lagu qaaday .
Mudane Madaxweyne Laba sawir oo aad LIIDO kusoo gasho waxba uma taraayan dadkii ehelkoodii ku waayay weerarkii xalay. Waxayna ka dhigan tahay Meeshii xalay ehelkiinnii lagu laayay aniga ayaa saakay sawir kusoo galay ee I arka !.
Mudane Madaxw...eyne waxaa loo baahan yahay in aan wax ka bedelno xeeladdii ay dowladdu u dajisay sidii nabad gelyo waddanka loogu soo dabaali lahaa mar haddii ay shaqeyn weysay. Waxaan marnaba caqli gal aheyn in qaab aan u jeedno in uusan shaqeyneyn in aan si indho maqiiq ah ugu sii shaqeyno. Haddii aad rabo inaad hesho natiijo ka bedelan tii hore waa inaad wax ka bedeshaa qaabkii aad wax u qaban jirtay jidkii aad raaci jirtayna aad bedeshaa. Imisa qarax oo nuucaan oo kale ah ayaa Intii aad xilka heysan Mugdishu ka dhacay ?, ma jiraan wax tallaabo ah oo ay dowladaadu qaadday ?.Mudane madaxweyne , meesha dhibka ugu weynu uu ka jiro waa dhanka sir doonka iyo wasiirka amniga iyo kan sirdoonka oo aan aqoon baaxsan u laheyn arrimaha la xariira sirdoonka iyo ka hor tagga weerarada nuucaan oo kale ah. Mudane madaxweyne goorma ayaan arki doonnaa adiga oo xilalka la xariira ciidamada iyo sirdoonkaba u magacaaba dad qibrad u leh shaqadooda ?!. Waxaan hubaa in ay jiraan rag ka qibrad iyo xirfad badan kuwa hadda jagooyinkaas haaya!...
Waxaa hubaal ah in marka ruux kasta shaqada uu qaban karo loo magacaabo in markaas ay fududaan doonto in lala xisaabto ruuxaas , balse qof aan waxba ka ogeyn waxa uu qabanaayo qaab aan la aqoonna lagu shaqaaleysiiyay sideed ula xisaabtami kartaa?.

2 comments:

  1. dadka ehelka u ah hadan la wafajin jagooyinkaas waxaaa hubaal ah in dhibku uu halkisa tagnan dono...allow sahal amuraha

    ReplyDelete
  2. Gutale, waa sidaas Bro. Arrimaha la xariira ciidamada iyo shaqo kasta ee aad qabaneyso waxay kaaga baahan tahay aqoon iyo xirfad iyada la xariirta. Soomaaliya waxaan ku aragnay doctor , jeneraal ciidan laga dhigay.

    ReplyDelete