Friday, May 29, 2015

Su’aalaha ugu muhiimsan wareysiga shaqo raadinta iyo qaabka
looga jawaabo.
                     (interview-ga)
Walaalkeyga shaqo raadiska ahoow,qoraalkan gaaban waa mid ku saabsan habka iyo hannaanka ugu fudud, ee aad uga jawaabi karto, Su’aalaha shaqa bixiyahaaga.
Waxaan ku gula wadaagi doona oo aan ku soo bandhigi doonaa 5-ta su’aal ee ugu muhiimsan wareysiga iyo qaabka looga jawaabo:-
Marka aad qoraalkan aqrisato waxaad helaysaa aragti fog, oo ku aaddan sida looga jawaabo weydiimaha lagama maarmaanka ah, waxaadna ka badbaadi doontaa waayo aragnimo darro inta badan ku dhacda dadka, kuwaas oo kaa hor istaagi karo kuna waayi kartid in aad hesho shaqada aad jeceshahay.
Su’aasha 1-aad:-
Haddii lagu weydiiyo Naftaada maxaad iiga sheegi kartaa?
Marka aad maqasho weydiintan lagu weydiiyo ha u qaadan in ay tahay fursad aad uga sheekeyso noloshaada ama aad dib ugu aqriso meerta nololeedkagii oo dhan (CV).
Adiga oo hadalkaaga soo koobaaya ,qeex kaalinta hawleed aad ku firfircoon tahay aadna isleedahay waad ku xooggan tahay (strengths) sidoo kale ha ilaawin inaad sheegto qibradaada iyo heerka ay waxbarashadaadu gaarsiisan tahay , sidoo kale waxaa muhiim ah inaad sheegto waxyaalaha ugu muhiimsan ee aad soo xerogalin karto (accomplish), jawaabtaadu yeeysan qaadan waqti ka badan 60 il biriqsi (hal daqiiqo).
Su’aasha 2aad:-
Majiirahaaga iyo hadafkaaga hawleed waa maxay ?
Inta badan dadka shaqada raadinaaya waxay ku dhacaan dabintaan oo waxay dusha ka aqriyaan dhammaan waxa ku qoran warqadihiisa shaqo iyo faahfaahintooda .
Waxa kaliya ee lagaa rabo marka aad su’aashaan ka jawaabeyso waa in aad sheegtaa meelaha aad ku xoogan tahay(Kartidaada shaqo) oo aad isleedahay waad kasban kartaa Shaqa bixiyaha ku wareysanaya . Jawaabta su’aashaan kama foga Su’aasha Koowaad.aad iskugu dhawyihin.
Su’aasha 3aad:-
Maxaad kaga duwantahay tartamayaasha kale?
Jawaabtaadu waa inay noqotaa mid aad faahfaahin mug leh ka bixisid, waayo aragnimada iyo hawlkarnimadaada shaqo, sidoo kale waa inaad odorostaa, hawlgalada cusub iyo hannaanka shaqo ee aad la iman doonto, kaasoo aad is leedahay waa mid gelaya oo u dusaya dhegaha shaqa bixiyaha ku wareysanaya
Arrintan waxaa ka caawin kara inaad marka horre soo aqristo, Shirkada U Shaqo tegayso, da’deeda, inta goobood ay ku taallo, shaqada ay qabato, iyo meesha aad is leedahay meeshaas way ka xagal daacsantahay.
Tusaale ahaan waxaad dhihi kartaa”Waayo aragnimadeydu waa mid keeni karta guul ay shirkadu ku talaabsato, adigoo meel dhawr ah taabanaya, kagana hormarto shirkadaha kale, Tusaale shirkada aad u shaqo tegaysaa haddii ay tahay Shirkad dharka iibisa inaad tiraahdo waxaan awoodaa inaan shirkada ku soo xidho ganacsato cusub, ama haddii ay tahay shirkad wax iibisa inaad tiraahdo waxaan awoodaa inaan macaamiil cusub idiin keeno”.
Su’aasha 4aad:-
Shaqadaadii hore maxaad uga tagtay?
Su’aashani waxay ka mid tahay kuwa ugu adage ee laga yaabo inaad la kullanto ama lagu weydiiyo, marka aad shaqo raadis tahay waxaad iska ilaalisaa inaad faallo xun ka bixiso maamulayaashaadii hore iyo sidoo kale shaqaalihii aad isla soo shaqeyseen, sida inaad tirhaado “waxaan shaqada uga tagay dabeecad xumada maamulaheygii hore, ama shaqaalihii hore aan isla soo shaqeynay waxay ahaayeen kuwo aad u xun”.
Hadii shaqadaadii hore laga soo buriyay/ceyriyay isku day inaad isku darto koox wada socotay oo shaqada ka tagay. tani waxay kaa taageeraysaa dhinaca sumcadaada inaadan ahayn mid gudbinaya, meelaha ay ka liitaan shirkadaadii hore iyo mida cusuba.
Su’aasha 5aad:-
Wax ma iiga sheegi kartaa meelaha aad ka liidato ama aad taagta darran tahay?
Sababta su’aashan laguu weydiinaayo waa in lagaa helo, meel ana boog shaqadan inaad qabato kaa hor istaagi karto, waxaad iska ilaalisaa inaad sheegto caddeymo sababi kara kuu diidi karo inaad qabato shaqada aad wareysiga u galeyso. Tusaale: Haddaad dhahdo waa hurdo jeclahay, waxay keeni kartaa in lagu arko inaadan waqtiga ilaalineyn shaqada oo hurda kula tegi karto.
Balse waxaad dhihi kartaa “waxaan aad u jeclahay cunitaanka macmacaanka, markasta oo aan arko waxaan jeclahay in aan dalbado”.
Waxaad kaloo sheegi kartaa meel aad ku liidato laakiin aan wax xariir ah la laheyn shaqada aad wareysiga u galeyso Tusaale ahaan hadii aad wareysi u galeyso xisaabiye oo su’aashan lagu weydiiyo waxaad dhihi kartaa “Waxaan ahay ruux aad u beer jilicsan oo aad u calool xumooda marka uu arko dad dhibaateysan” ,ogsoonaaw arrinta liidashadaadu wax xariir ah lama lahan shaqada aad wareysiga u galeyso.
Su’aalaha kale ee lagu weydiin karo aad ayey u badan yihin waxaana ka mid noqon kara :
  • Wax ma iiga sheegi kartaa meelaha aad awoodda ku leedahay/ku xooggan tahay?
  • Booska ad isku soo sharraxday aqoon intee la eg ayaad u leedahay?
  • Waqtiga aad fasaxa tahay maxaad qabataa?
  • Shan sano ka dib halkeed rabtaa inaad joogto?
FG: Qoraalkan wuuxu markii uGu horreysay kusoo baxay Mareegaha caanka ah ee www.laashin.com.

http://laashin.com/?p=1533.

Wednesday, May 6, 2015



U KALA QAYBIN QAAB QABIIL  MAGAALO QADIIMI AH.
Xilligii Dowladdi Kacaanka ay waddanka ka arrimin jirtay ayaa waxaa la yiri waxaa jiray Nin iyo xaaskiisa oo aad u jeclaay Jaalle Maxamed Siyaad barre lana dhacsanaay siyaasaddiisa ,waxay ahaayeen labo ruux oo aad ugu riyaaqsanaay Siyaasaddii kacaanka , waxaa laga marti qaadi jiray xaflad kasta oo uu kacaanku lahaay. In Muddo ah ka dib Ninkii naagta qabay ayaa xanuunsaday oo Sariir fuulay .
Nin la dhashay Guulwadihii xanuunsanaa ayaa maqlay xanuunka walaalkiis wuuxuna go’aansaday inuu soo booqdo Markii uu guriga yimid ayuu wuuxu arkay Dumaashidiis oo Heesihii Kacaanka dhegaha uga daartay Ninkeedii xanuunsanaa Markaas ayuu wuxuu yiri “ Dumaashi waad u jeedaa in ay walaalkey xaaladiisu xun tahay ee Fadlan Quraan u daar oo heesahaan ka dami”.
Dumaashidiis ayaa aad u xanaaqday waxayna Tiri” Haddi aad mar danbe tiraahdo Heesaha kacaanka dami waan ku dacweyn doonaa”.
Ninkii wuu iska indho tiray warkii dumaashidiis oo wuuxu bilaabay walaalkiisa oo markaan sakaraad ah inuu quraan ku aqriyo kana codsado inuu Xaaskiisa u sheego in ay heesahan ka damiso Madaxa ka galay, Ninkii kacaanka jeclaay asiga oo madax adeygaayaa oo diidan inuu taageradii uu kacaanka u haayay ka laabto heesahana la damiyo ayey naftii ka baxday.
Xaaskiisii oo aad u murugeysan ayaa waxay tagtay xaruntii booliis ee ugu dhaweyd waxayna geysay dacwad ka dhan ah Ninkeeda walaalkiisa, Dacwadii xoogaa marka ay socotay ayaa ninkii waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah iyo 50.000 oo shilin soomaali ah, ninka waxaa lagu eedeeyay "Marin Habaabin Marxuum kacaan".
Maanta waxaan u jeedna In xasan Sheekh oo ah madaxweynihii waddanka iyo Gaas oo asna ah Madaxweynaha Puntland ay ku dhiiradeen in Gaalkacyo la kala jabsado oo Labada qolo ee meeshas wada dega qolaba jab qaadato Arrintaasi qalalaase tiro badan ayay sababi kartaa kaas oo ah in Maamul Goboleed kasta uu ku andacooto in qaab qabiil Degmooyin ama Tuulooyin loo soo raacsiiyo, Tusaale ahaan Degmada Matabaan oo hiiraan ka tirsan, iyo sidoo kale Degmada Ceeldheer oo Galgaduud ka tirsan ayaa laga yabaa in ay ku kala biiraan Sh/dhexe iyo Galgaduud, Sida ay u kala horeeyaan.
Haddii aan xasan sheekh maxkamad soo taagi lahaa waxaan ku eedeyn lahaa U kala qeybin Qaab Qabiil Magaalo qadiimo ah.

Friday, May 1, 2015

Riyadii Haile Selassie iyo Meles Zenawi oo Gacmo Soomaaliyeed ku rumoowday.
Faro Galinta ay Adisababa Soomaaliya ku heyso ma ahan Mid Meel mugdi ah looga hadlo, laakiin riyada Boqortooyada Itoobiya waxaa si cad oo aan qarsoodi laheyn u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arimaha dibadda ee Waddanka Ethiopia asaga oo waliba ku sugan gudaha waddanka soomaaliya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Shaul ayaa saxaafadda kula hadlay Gudaha hoolka uu ka socday Caleemo saarkii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbland ayaa Hadalkiisi waxaa ka mid ahaay “ Dowladda itoobiya iyo IGAD aad ayey ula dhacsan yihiin qaabka ay wax u socdaan ,waxaan ahaay sarkaal ku cusub wasaaradda arimaha dibadda markii uu Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal) uu bilaabayay Dhisidda Somaliland, Sidoo kale waxaan la joogay Abdulaahi yuusuf markii Puntlad la aas-aasayay, Maamuladii hore wuxuu maamulkani uga duwan yahay ayaa waxay tahay in Cigaal uu aas-aasay Somaliland halka Abdulaahi yuusuf uu Puntland sameeyay laakiin Jubbland anaga ayaa ku sheengay Axmed madoobe inuu kursiga madaxweynenimadda ku fariisto”. Sacab ,sacab ,sacab. Bal muxuu ku muteystay sacabka ?!.
http://www.midnimo.com/…/dhageyso-itoobiya-axmed-madoobe-in….
Haddii aan qoraalkeyga daaqadaan ka galo Sarkaalan Itoobiyaanka wuxuu cadeeyay in dhulka itoobiya la ballaariyay oo aysan jirin xuduud ay leeyihin waddankiisa itoobiya iyo waddankii horay loo oran jiray soomaaliya .
Mas’uulkani itoobiyaankani warkiisu cad yahay, Mana ahan hadal aashuun ku addin ah , sida hadalkiisa ka muuqata waa Ruux kalsooni badan isku qaba, ka waran mas’uul waddan uusan laheyn jooga haddana ku faanaya inuu burburiyay waddanka uu ku suganyahay Haddana sacab aan kala joogsi laheyn ku muteystay hadalkaas uu yiri, ma kula tahay inuu ajnabi ka yahay goobta uu sidaas ka leeyahay? Kolleey Aniga ilama ahan!.
Fadlan adiga oo aan fajacin Guji lifaaqa kore si aad u dhageysato mas’uulka iyo mas’uuliyiinta sacabka ugu mashxaraday.
Itoobiya qorshaha Gumeysiga soomaaliya waxay ka soo bilaawday in ay marka hore Leyso ruux kasta oo ay u arkeysay in uu ka hor istaagi karo danaheeda gaarka ah ee ay soomaaliya ka damacsaneed , waxay Gudaha soomaaliya ka bilaawday dilal qorsheysan oo lagu qaarijanaayo indheergaradka soomaaliyeed.
Eebbe ha u naxariistee Abdulqaadir Oruma ayaa waxaa qoraaladiisii ka mid ahaay “Ethiopia waxay si hawl yar ugu guulaystay inay Soomaaliya ka tirtirto kaadirka indheergartada loo yaqaan sida: aqoonyahannada haybadda leh, saraakiisha kartida leh,dhaqaatiirta taqasuuska leh, culumada diinta iyo wixii soo raaca. Murti baa waxay leedahay bulshadii laga waayo: waayeel taliya, wadaad duceeya iyo wiil dagaallama,bulshadaas belaayo ayaa ku habsatay oo burbur baa u sugnaaday, waa heerka maanta Soomaalidu ku sugan tahay. Ethiopia waxay ku talo gashay markay layso oo gebi ahaanba waddanka ka suuliso kaadirka aqoonta leh inay dalka isugu haraan waxmagarato ku dhaqanta xeerka duurjoogta ee ku salaysan sida loo kala xoog weyn yahay in laysu cuno xeerkaas Ethiopia dejisay ayaa maanta Soomaaliya looga dhaqmaa oo beeluhu sida ay u kala hub badan yihiin ayey isu bililiqaystaan, waxaa la boobay oo la barakiciyey beelaha aan hubaysnayn.
Shirqoolladii Ethiopia u dejisay burburinta Soomaaliya si fiican ayey u hirgaleen. waxaana Dawlada Ethiopia oo burburinta Soomaaliya ku guulaysatay ay ku geeraartay “halaagga Soomaali hootadaan la helay hoodo iyo nasiib wacan dheh.”.
Itoobiya waxay ku guuleysatay in ay u gudubto heerkii labaad kaas oo ah in waddanka madax looga dhigo dabadhilif itoobiya ka amar qaata adisababana ka soo xajiya sanadkiiba lixjeer, iswedii imisa jeer ayuu xasan sheikh adisababa tagay? Isbarbar dhig inta jeer ee uu xasan sheikh adisababa tagay iyo inta jeer uu ee Tagay gobol ka mid ah goboladda soomaaliya?.
Ka soo tag Xassan sheekh ee u imaaw Madaxweynaha Puntland , isbarbar dhig inta jeer ee uu Adisababa ka soo xajiyay iyo inta jeer uu Caasimadda waddankiisa yimid?.
Booqashada Adisababa kaliya kuma koobna labadaan mas'uul ee astaan ay leeyihiin dhammaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee hadda jooga.
Ugu Danbeyn waxaa si toos ah u rumoowday riyadii Malez zanawi iyo Haile salaise ee aheyd in ay mar uun arkaan soomaaliya oo burbursan si toos ahna uga amar qaadatay itoobiya, Jaranjaradda arrintaas loo fuulay waxaa waaye Federaal wahmi ah ama aan jirin qabiilna ku salleysan oo soomaalidda qoorta loo galiyay,Itoobiyaanku waxay ku guuleysteen in ay Shaqsi kasta oo siyaasi isku sheeg ah ka gadaan fikirka ah soomaaliya kuma heshiin karto wax aan federal ahayn , Siyaasi kastana waxay kula dardaarmeen inuu Soohdin iyo Calan yar taagto ka dibna adisababa ka soo xajiyo sidaasna uu madaxweyne ku yahay, Tallaabooyin aad u sahlan oo madaxweyne lagu noqon karo soow ma ahan?!.
Calamadu ha babadaan madaxweynahana Itoobiya ha soo magacaawdo,Waddankuna ha kala Go'o?
W/Q:Bashir Hashi Dhore.