Friday, May 1, 2015

Riyadii Haile Selassie iyo Meles Zenawi oo Gacmo Soomaaliyeed ku rumoowday.
Faro Galinta ay Adisababa Soomaaliya ku heyso ma ahan Mid Meel mugdi ah looga hadlo, laakiin riyada Boqortooyada Itoobiya waxaa si cad oo aan qarsoodi laheyn u sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arimaha dibadda ee Waddanka Ethiopia asaga oo waliba ku sugan gudaha waddanka soomaaliya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Shaul ayaa saxaafadda kula hadlay Gudaha hoolka uu ka socday Caleemo saarkii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbland ayaa Hadalkiisi waxaa ka mid ahaay “ Dowladda itoobiya iyo IGAD aad ayey ula dhacsan yihiin qaabka ay wax u socdaan ,waxaan ahaay sarkaal ku cusub wasaaradda arimaha dibadda markii uu Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal) uu bilaabayay Dhisidda Somaliland, Sidoo kale waxaan la joogay Abdulaahi yuusuf markii Puntlad la aas-aasayay, Maamuladii hore wuxuu maamulkani uga duwan yahay ayaa waxay tahay in Cigaal uu aas-aasay Somaliland halka Abdulaahi yuusuf uu Puntland sameeyay laakiin Jubbland anaga ayaa ku sheengay Axmed madoobe inuu kursiga madaxweynenimadda ku fariisto”. Sacab ,sacab ,sacab. Bal muxuu ku muteystay sacabka ?!.
http://www.midnimo.com/…/dhageyso-itoobiya-axmed-madoobe-in….
Haddii aan qoraalkeyga daaqadaan ka galo Sarkaalan Itoobiyaanka wuxuu cadeeyay in dhulka itoobiya la ballaariyay oo aysan jirin xuduud ay leeyihin waddankiisa itoobiya iyo waddankii horay loo oran jiray soomaaliya .
Mas’uulkani itoobiyaankani warkiisu cad yahay, Mana ahan hadal aashuun ku addin ah , sida hadalkiisa ka muuqata waa Ruux kalsooni badan isku qaba, ka waran mas’uul waddan uusan laheyn jooga haddana ku faanaya inuu burburiyay waddanka uu ku suganyahay Haddana sacab aan kala joogsi laheyn ku muteystay hadalkaas uu yiri, ma kula tahay inuu ajnabi ka yahay goobta uu sidaas ka leeyahay? Kolleey Aniga ilama ahan!.
Fadlan adiga oo aan fajacin Guji lifaaqa kore si aad u dhageysato mas’uulka iyo mas’uuliyiinta sacabka ugu mashxaraday.
Itoobiya qorshaha Gumeysiga soomaaliya waxay ka soo bilaawday in ay marka hore Leyso ruux kasta oo ay u arkeysay in uu ka hor istaagi karo danaheeda gaarka ah ee ay soomaaliya ka damacsaneed , waxay Gudaha soomaaliya ka bilaawday dilal qorsheysan oo lagu qaarijanaayo indheergaradka soomaaliyeed.
Eebbe ha u naxariistee Abdulqaadir Oruma ayaa waxaa qoraaladiisii ka mid ahaay “Ethiopia waxay si hawl yar ugu guulaystay inay Soomaaliya ka tirtirto kaadirka indheergartada loo yaqaan sida: aqoonyahannada haybadda leh, saraakiisha kartida leh,dhaqaatiirta taqasuuska leh, culumada diinta iyo wixii soo raaca. Murti baa waxay leedahay bulshadii laga waayo: waayeel taliya, wadaad duceeya iyo wiil dagaallama,bulshadaas belaayo ayaa ku habsatay oo burbur baa u sugnaaday, waa heerka maanta Soomaalidu ku sugan tahay. Ethiopia waxay ku talo gashay markay layso oo gebi ahaanba waddanka ka suuliso kaadirka aqoonta leh inay dalka isugu haraan waxmagarato ku dhaqanta xeerka duurjoogta ee ku salaysan sida loo kala xoog weyn yahay in laysu cuno xeerkaas Ethiopia dejisay ayaa maanta Soomaaliya looga dhaqmaa oo beeluhu sida ay u kala hub badan yihiin ayey isu bililiqaystaan, waxaa la boobay oo la barakiciyey beelaha aan hubaysnayn.
Shirqoolladii Ethiopia u dejisay burburinta Soomaaliya si fiican ayey u hirgaleen. waxaana Dawlada Ethiopia oo burburinta Soomaaliya ku guulaysatay ay ku geeraartay “halaagga Soomaali hootadaan la helay hoodo iyo nasiib wacan dheh.”.
Itoobiya waxay ku guuleysatay in ay u gudubto heerkii labaad kaas oo ah in waddanka madax looga dhigo dabadhilif itoobiya ka amar qaata adisababana ka soo xajiya sanadkiiba lixjeer, iswedii imisa jeer ayuu xasan sheikh adisababa tagay? Isbarbar dhig inta jeer ee uu xasan sheikh adisababa tagay iyo inta jeer uu ee Tagay gobol ka mid ah goboladda soomaaliya?.
Ka soo tag Xassan sheekh ee u imaaw Madaxweynaha Puntland , isbarbar dhig inta jeer ee uu Adisababa ka soo xajiyay iyo inta jeer uu Caasimadda waddankiisa yimid?.
Booqashada Adisababa kaliya kuma koobna labadaan mas'uul ee astaan ay leeyihiin dhammaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee hadda jooga.
Ugu Danbeyn waxaa si toos ah u rumoowday riyadii Malez zanawi iyo Haile salaise ee aheyd in ay mar uun arkaan soomaaliya oo burbursan si toos ahna uga amar qaadatay itoobiya, Jaranjaradda arrintaas loo fuulay waxaa waaye Federaal wahmi ah ama aan jirin qabiilna ku salleysan oo soomaalidda qoorta loo galiyay,Itoobiyaanku waxay ku guuleysteen in ay Shaqsi kasta oo siyaasi isku sheeg ah ka gadaan fikirka ah soomaaliya kuma heshiin karto wax aan federal ahayn , Siyaasi kastana waxay kula dardaarmeen inuu Soohdin iyo Calan yar taagto ka dibna adisababa ka soo xajiyo sidaasna uu madaxweyne ku yahay, Tallaabooyin aad u sahlan oo madaxweyne lagu noqon karo soow ma ahan?!.
Calamadu ha babadaan madaxweynahana Itoobiya ha soo magacaawdo,Waddankuna ha kala Go'o?
W/Q:Bashir Hashi Dhore.

1 comment:

  1. Slot Machine Machines at Mapyro - Las Vegas, NV - Mapyro
    Check out the mapyro for Slot Machine Locations in 제천 출장안마 Las 서귀포 출장안마 Vegas, NV. 용인 출장안마 Use this simple form to 안성 출장안마 find casinos 충청북도 출장마사지 and their location.

    ReplyDelete