Wednesday, July 16, 2014

Somaalidu waa kuwaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Maanta waxaa soomaalida ka baxay Shaqsi sooyaalka soomalida magac weyn ku lahaa.ma uusan aheyn ruux magaciisa qoray iyo dagaal lagu bartay sidaas darteed ayadan u arkeyn dad xitta waajibkii uu nagu lahaa u oofiyay oo ahaa in ugu yaraan loo tacsiyeeyo.
waxaan nahay ummmad dadkeeda wanagsan xaqirta oo anan aqoonba xitta magacyadooda koowaad,kuwa dagaal oogayaasha ah oo dadka dhiigooda cabbane waan wada naqanaa oo waxaan nahay qaraabo iyo ehel ,inta ay noolyihiin waan buunbuuninaa marka ay dhintaanna fb iyo barta internate-ka ayaan ku wada cammirnaa magacooda.
Qofkii rabba inuu somalida barto waxaa ku filan marka uu qof wanagsan naga baxo sida aysan wax xanuun ah inoogu heyn  iyo   marka uu qof qab-qable dagaal naga baxo sida aan u baqbaqleyno..
Illaahey Jannadii firdowsa haka waraabiyo Abdulqadir Aroma.

Banii'adamku makala qaalisan yahay?

Markii Urur Diimeedka   Boko Haram ay afduubeen Boqolaal gabdho schooley ah ayaa aduunka oo dhammi muslim iyo gaalba afka wada furteen, waxayna ku baaqeen in Nigeria ciiddamo Un-ka ka socda loo diro si loo soo badbaadiyo Gabdhahasi la afduubay.

Waddamo badan oo carabta ka mid ah ayaa waxay America ugu baaqeen in ay talaabo sharci ah ka qaado Boko Haram isla markaasna ay Ciidamo soo furta u dirto Nigeria waliba shuruuud la'aan,sidoo kale waxay cadeeyeen in afduubashada gabdhahaasi ay ka soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta islaamka ayna meel ka dhac ku tahay sharafta diinta.

shabakadaka Facebook iyo twitter ayaa waxa buux dhaafiyay malaayaan ruux oo u olaleynaayay in gabdhahas la sii daayo waxayna sameeyeen #tag lagu magaaabay  #bringourgirlsback kaas oo ay kor u dhaafeen dadka soo booqday Malaayiin ruuux.

Afduubashada loo geystay gabdhahaas sidoo kale waxaa dhaleeceeyay Xoog-hayaha guud ee qarramada midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in gabdhahas si deg-deg ah oo waliba shuruud la'aan ah dib  xornimadooda loo siiyo.

Banii'aadamka makala Fadli badan Yihin? bal ila dhugo waxa ay haddana dhigaan Kuwii shalay u ololeynaayay in gabdhaasi lasii daayo iyaga oo ku andacoonaayay in afduubashadoodu  Kasooo hor jeedo xuquuqda Banii'aadamnimadda, hadde waa afduubasho kaliya oo arrintu dhimasho iyo xasuuq ma aysan gaarin!!!!!!!!!!

 Muddo haatan laga joogo hal usbuuc ayey ciidama cirka ee Israel waxay weerar xasuuq ah ku qaadeen Marinka Gazza oo ay Maamulan Xarakada Xamaas ,dad rayid ah oo caruur iyo waayeel u badan ayaa ku naf waayay weeradaasi wuxuushnimada ah.

Ra'iizal wazaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa mar uu la kulmay Wakiil ka socday Wasaaradda arimaha dibadda ee waddanka Mareykanka wuxuu si cad ugu sheegay in ay isku dayi doonaan in ay yareeyaan dhimashada dadka rayidka ah  ,hadde ma ahan in ay joojiyaan ee waa in ay kaliya yareeyan Tiradda dhimashadda, Halkii ay 100 malintii dilli jireen waxay hadda kadib dilli doonaan 50 ama 60 haddba sidii ay doonan.

 wuxuuna intaas sii raaciyay in ay fiican tahay in america iyo international community-gu ay fahmaan arintaan hadii ay fahmi waayaana aysan Israel   ku qasbaneyn in ay u sharraxdo.

Macnaha fad ama ha fadine waa lagu fadsiin , oo ah wiixi an rabo ayaan sameyneyna ku farxa ama haku farxina!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Bal carabtiina!!!!!!!!!!!!!!

Aan ku hor marnee saxaafaa waddamada carabta ayaa indhaha ka xirtay xasuuqa Gazza ka socday iyaga oo inta badan daawadayashooda usoo sii daayay filimo musalsallo ah ama taxanne ah si aanba loo ogaan waxa halkasi ka socda.

Ururka jaamacadda carabta ilaayo hadda lagama haayo wax dhaafsiisan dhaleeceyn oo waliba aashuun lagula adimay,Waddamadda carabta ugu dhaqdhaqaaqa  badan sida Qatar ,Saudi Arabia iyo UAE sidoo kale afkii ayaa jabaqda gabay oo waxba lagama haayo.

Waxaan maqli jiray "ka daroo dibi dhal" waddanka Masar ayaa isagu kuwaas oo dhan kasii daray oo wuxuu xiray halkii jid ee u furnaa dadka dhibaateysan ee rer falastiin .saxaafada laga leeyahay dalkasi masar gaar ahaan kuwa Gaarka loo leeyahay  ayaa waxay ku booriyeen isreal in ay si fiican u leeyso canaasirta ururka xamaas ,masaarida koox ka mid ah ayaa waxay aaminsan yihin in ciidamo an tiro yareyn oo labo mar lagu kala dilay xuduuda masar iyo falastiin in ay ka danbeeyeen ururka xamaas.

Dilka dadka rayidka ah ,caruurta iyo dadka waayeelka ah carabeey Ban'iiadamnimaddu maxay ka qabtaa?

in ummad dhan waddankoodii lagu gumaado lana xasuuqo banii'aadamnimaddu maxay ka qabtaaa?

waxaan isleeyahay su'aashas in jawaab fudud loo heli karo marka arintu ku saabsan tahay muslim Gaal dhibaateeyay laakin marka ay tahay gaal muslim xasuuqay  jawaab si fudud loogama bixin karo oo waxaa haboon in laga wada aamuso !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Bal adba is weydii  ban'iidamku  ma kala naf qaalisan  yihin !!!!!!!!?



Tuesday, July 15, 2014

Marka Mashaqo jirto Hal madaxweyne, Marka kalena Boqollaal!

Markii Muwaadinka Soomaaliyed South Afirca lagu dilay Ilaahey ha u naxariistee, ayaa meel kasta oo ay Soomaali joogtay la isugu soo baxay, oo la mudaharaaday.
Safaarad kasta oo ay South Africa leedahay ayaa la is hordhoobay, iyada oo uu ruux kasta calanka Soomaali watay! Hal mar ayaan midoownnay hal calan, hal waddan iyo hal madaxweyne ayaanna yeelanay. Waxaa la waayay hal qof oo gargaar iyo gacan ka raadiya qabiilkisa (maamul Goboleed), nin kasta oo Qabiil (maamul goboleed) u Doodi jiray ayaa  hal mar ka joogsaday. Yaab ma kula noqotay? Ani haa, haddana, waa Soomaali dhugo waxay dib ka dhigi doonaan.
Waxaa billaabatay Qeylodhaan loo jeedinaayo Madaxweynaha ummada Soomaaliyed. Qeylodhaantu waxay si is-daba joog ah uga imaaneysay dhammaan Maamul Goboleedyada ay Soomaali haatan ka kooban tahay. Waxaa kaloo jirtay eedeyn loo  soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahed in uu ka gaabiyay waajibkii saarna iyo arrintii loo igmaday.
Adduunkii ayaa madaxa gacanta saartay, yaab owgii, oo is yiri; Alley lahe Soomaali waa is raacday, haddiiba hal ruux oo laga dilay ay sidan uga mudaharadeen, ugana dhiidhiyeen, haddaba, kadib maxaa dhacay?.
Maalmo kadib dhacdadaasi xanuunka badneed ee muwaadinka Soomaaliyed dhagaxa lagu dilay, ayaa qof kasta oo Soomaali ah dib ugu laabtay beeshiisii Maamul Goboleedna dabada la galay, sidii in aysan waxba dhicinba! Waxaa soo baxay Madaxweyne-yaal tiro badan oo ilaayo Tobaneeyo gaaraaya, qaarna dib ayaaba laga magacaaby, arrintii waxayba isku bedeshay “Ninboow Naftaa Nabiyow Ummaddaa.”
Waxaa ku xigay haddana musiibadii  aadka u xanuunka badneed ee ay ciidamada Kenya kula kaceen Soomaalida waddankeeda ku nool. Kenya waxay qaab sharci darro ah u xirxirtay Boqollaal Soomaliyeed, oo qaxooti ku ah Waddankooda, heystane Aqoonsiga Qaxoootinimo, kadibna waxay iskugu geysay Garoon Kubbadda lagu ciyaaro , intaasi kuma aysan ekaane waxay sameeyeen in ay dad badan oo Haween u badnaa xabado Nool ku furaan.

Markey arrintu intaas mareyso ayaa mar kale Soomaalidii af labadiis qeylisay “Madaxweynoow naga soo gaar!” Muwadiintiinti Soomaaliyeed ee Kenya ku sugneed ee shalay Maamul Goboleedka Xafaldaha uu qarashka tirada badani ku baxo u qabtay Hoteelladana u kireeyay, lagama haayo hal qof oo Maamul goboleed u yeertay samata bixinna ka dalbaday, waxay dhammaantood gargaar ka raadiyeen Madaxwenaha, sida caadada ahayd, oo ah mar walba oo Mashaqo jirto, sida horay u dhacday, dibna hubaal ka dhici doonta.
Marka ay halkaas arrintu mareyso oo ay xaajada Kenya degtay ayaa haddana mar kale waxaan xirannay Shaarkii Maamul Goboleedka! Dhib iyo mashaqo marka ay jiraan hal madaxweyne marka kalene boqollaal!

Waa Maxay Dhaqaale(economics)?






Weydiin: Waa maxay dhaqaale?
War-celin: Marka laga jawaabayo Weydiinta ah “waa maxay dhaqaale”? ,ma jirto jawaab la isku raacsan yahay  taas oo adduunka dhammi isla ogyahay, waxaase jira qaaabab kala duwan oo ay Aqoonyahannada cilmiga Dhaqaalaha ku takhasusay ama bartay ay uga jawaabeen su’aashan.

Sidee ayay aqoonyahanada Cilmiga Dhaqaalaha  uga jawaabeen “waa maxay dhaqaale
Qaamuuska Dhaqaalaha ee Economists ayaa wuuxu ku qeexay dhaqaaalaha in uu yahay “ Barashada wax soo saarka(production) ,Qeybinta ( distribution)iyo sidoo   kale isticmaalka(consumption ) ee  hantida bulshadda.
Sidoo Kale Mac’hadka caanka ah ee Saint Michael's College  ayaa asna wuuxu  uga jawaabay weydiintan “waa maxay dhaqaale  war-celinta ah (waa daraasadda ama barashada  Go’aan qaadashada iyo kala doorashada  )
Waa Maxay dhaqaale?  Aniga oo ah qoraaga Maqaalkaan side ayaan uga jawaabi lahaa Weydiintan?
Hadii  aniga oo imtixaan (test) ku jira la I weydiin lahaa su’aashan ah (waa maxay dhaqaale) jawabteydu waxay noqon  lahed:
“waa barashada ama daraasadda sida ugu wanaagsan oo  ay shaqsiyadku(individuals)iyo Kooxuhu(groups) Go’aanadda  u qaatan Iyaga oo heysta Kheyraad kooban Doonayana in ay dharjiyaan rabitaankooda(wants),baahidooda(needs) iyo damacyadooda(desires)”
Marka an eegno Qeexitaankan ugu danbeeya waxaan kala soo dhex bixi karnaa inuu dhaqaaluhu u qeybsamo laba qeybood oo kaa ah - microeconomics iyo  macroeconomics.
Waa Maxay microeconomics?
Microeconomic wuxuu la tacaamulla Go’aanadda dhaqaale kuwaas oo u dhaxeeya  heerarka hoose (micro), hadii an isku dayo in an sii fududeeyo wuuxu noqon karaa Qeexaatanka Microeconomic:
“ falanqeynta Go’annadda ay qaatan shaqsiyaadka iyo kooxaha ,  waxyaalaha go’aanadaas saameyn ku yeesha iyo Dadka ay saameeyaan go’annaddaasi”.
Waa maxay Macroeconomic?
Wuxuu baaraa dhaqaalaha guud ahaan wuuxna ka jawaabaa su’aalaha kala ah:
Ø  maxaa sababa inuu dhaqaaluhu markasta kordho?
Ø  Maxaa keena isbedbedelka- muddada gaaban ee dhaqaalaha?   
Ø  Maxaa saameyn ku yeelan kara kala duwnaashaha qiimaha sideyse  u saameeyaan waxqabadka dhaqaalaha?
Qaabka ugu wanaagsan ee lagu fahmi karo Macroeconomic  waa in lala barbar dhigaa Microecnomic kaas oo tixgaliya go’aanadda lagu gaaray  heer shaqsi ah ama shirkad.
Macroeconomic wuxu tixgaliyaa suurradda weyn  ama sarre ee heer dowladeed wuuxu sidoo kale daraaseeya  wadarta  go’aannadda heerka hoose (micro).
Waxaase si kooban loogu qeexi karaa Microeconomic  in uu yahay “laan ka mid ah laamaha dhaqaalaha taas oo daneysa waddarta dakhliga qaranka,isticmaalka hantida qaranka iyo Maal-gelintaba’.

Mahadsanidiin.

Qorshe Ganacsi

 Waa maxay qorshe Ganacsi? qaabka ugu fudud ee loo qeexi karo qorshe Ganacsi , waa hage sidoo kale waa Jidkii ad u qadi lahed Hiigsigaaga iyo faahfaahinta qorshahaga si ad u gaarto himilooyinkaaga. Qorshaha ganacsiga sidoo kale wuxu sharaxaad ka bixiyaa kooxda kula shaqeyneysa iyo in ay yihin kuwo awood u leh in ay Kugu Kaalmeeyan sidi aad u gaari lahed hadafyada ganacsigaga. Qorsheynta ganacsi Qoritaanka qorshe ganacsi oo dhameystiran ayaa ah talaabada ugu horeysa marka la bilaabayo ganacsi. Qorshahaaga ganacsi waa uu: Ku hagi doonaa marka aad ganacsigaaga dhab ka dhigaysid. Kaa caawin doonaa inaad ka baxsatid khaladaad kharash badan. Kaa caawin doonaa inaad dhaqaale ahaan is diyaarisid, haddii aad ku talogashay inaad adigu maalgalisid ganacsigaaga iyo haddii aad ku talogashay inaad cid kale ka heshid maalgalin. Kaa caawin doonaa inaad heshid kalsoonida dadka kale ee laga yaabo inay xiiseynayaan keeneyaal. Qaybta ugu qiimo badan qorshe ganacsi waa aqoonta aad heshid marka aad sameysid daraasad oo aad qortid. Inkasta oo ay soo jiidasho leedahy inaad kireysatid qof kuu diyaariya qorshahaaga, ama inaad iibsatid qorshe jira oo loogu talogalay nooca ganacsigaaga, waxa danta kuugu fiicani kuugu jirtaa inaad adigu hawsha qabatid. Taas macnaheedu ma aha inaad kaligaa qabatid. Waxa talo fiican ah inaad la shaqeysid bareyaal, la-taliyeyaal, ama talo-bixiyeyaal inta aad ku jirtid hawsha. Tilmaantoodu waxay kuu Keedin kartaa wakhti iyo dadaal badan. Qorshe Ganacsi oo waara guulna Gaara waxa uu ka kooban yahay. Bayaan Waxqabasho & Hadaf Bayaan waxqabasho waa sharaxaad gaaban oo qeexeysa waxa aad qaban doontid. Waxa uu adiga iyo dadka kula shaqeynaya ka cawinaaya in diirada lasaaro waxa muhiimka ah.Bayaan hadaf waxa uu ka jawaabaya su’aasha ah “Maxaan rabnaa inaan noqono?” Waxa uu ku siinaya tilmaan marka aad sameynaysid go’aanno saameyn doona mustaqbalka ganacsigaaga. Sharaxaad Ganacsi . Sharaxaaddaada ganacsi waxay ka jawaabaysa su’aalaha ah “kuma, maxay,goorma, iyo halkee” oo macnaheedu yahay Ruuxa ad dooneyso inad wax ka iibiso,waqtiga,iyo mesha ad dooneyso inad ganacsigaga ka fuliso ama ad ka bilaawdo , sidoo kale waxana ku jira lahaanshaha, nooca ganacsi, taariikhda bilaabista, iyo goobta.

Carab oo hurdadii ka kacday

Wasiiradda Gaashandhiga waddamada carabta oo shir deg-deg ah qabtay manta soona saaray in ay Weerar cir iyo dhul ah ku qaadan Israel ,
Hindisahan ayaa wuxuu dhigaya in ciidamada cirka ee waddamada Egypt,Syria iyo Iraq ay weerar cirka ah ku qaadaan Yuhuudda,halka waddamada Qatar Saudi Arabia iyo UAE-na ay la wareegi doonan qorshaha ciidamada aferntariga ah ee dhulka.
qorshaha ayaa wuxuu yahay in la badbaadiyo dadka rayidka ah iyo in la ilaaliiyo Goobaha barakeysan ee ku yaalla dalka Palestine.

Waddanka Egypt ayaa sidoo kale amray in la furo Marinka rafax si loosoo daabulo dhaawacyada.

Sidoo kale wasaaradda patrolka ee waddankasi masar ayaa sheegtay in ay joojisay Shidaalkii ay u dhoofin jirtay waddanka Israel ,

Riyo aad u qurux badan ayey ahed laakiin waxaa hubaal ah in aysan suuro gal aheyn.
waxaan umadda reer palestne ilaahey uga baryaa inuu gargaar deg-deg ah u fidiyo cadawgana ka kor qaado.
bal adinkuna aamiin dhaha.