Wednesday, July 16, 2014

Banii'adamku makala qaalisan yahay?

Markii Urur Diimeedka   Boko Haram ay afduubeen Boqolaal gabdho schooley ah ayaa aduunka oo dhammi muslim iyo gaalba afka wada furteen, waxayna ku baaqeen in Nigeria ciiddamo Un-ka ka socda loo diro si loo soo badbaadiyo Gabdhahasi la afduubay.

Waddamo badan oo carabta ka mid ah ayaa waxay America ugu baaqeen in ay talaabo sharci ah ka qaado Boko Haram isla markaasna ay Ciidamo soo furta u dirto Nigeria waliba shuruuud la'aan,sidoo kale waxay cadeeyeen in afduubashada gabdhahaasi ay ka soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta islaamka ayna meel ka dhac ku tahay sharafta diinta.

shabakadaka Facebook iyo twitter ayaa waxa buux dhaafiyay malaayaan ruux oo u olaleynaayay in gabdhahas la sii daayo waxayna sameeyeen #tag lagu magaaabay  #bringourgirlsback kaas oo ay kor u dhaafeen dadka soo booqday Malaayiin ruuux.

Afduubashada loo geystay gabdhahaas sidoo kale waxaa dhaleeceeyay Xoog-hayaha guud ee qarramada midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in gabdhahas si deg-deg ah oo waliba shuruud la'aan ah dib  xornimadooda loo siiyo.

Banii'aadamka makala Fadli badan Yihin? bal ila dhugo waxa ay haddana dhigaan Kuwii shalay u ololeynaayay in gabdhaasi lasii daayo iyaga oo ku andacoonaayay in afduubashadoodu  Kasooo hor jeedo xuquuqda Banii'aadamnimadda, hadde waa afduubasho kaliya oo arrintu dhimasho iyo xasuuq ma aysan gaarin!!!!!!!!!!

 Muddo haatan laga joogo hal usbuuc ayey ciidama cirka ee Israel waxay weerar xasuuq ah ku qaadeen Marinka Gazza oo ay Maamulan Xarakada Xamaas ,dad rayid ah oo caruur iyo waayeel u badan ayaa ku naf waayay weeradaasi wuxuushnimada ah.

Ra'iizal wazaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa mar uu la kulmay Wakiil ka socday Wasaaradda arimaha dibadda ee waddanka Mareykanka wuxuu si cad ugu sheegay in ay isku dayi doonaan in ay yareeyaan dhimashada dadka rayidka ah  ,hadde ma ahan in ay joojiyaan ee waa in ay kaliya yareeyan Tiradda dhimashadda, Halkii ay 100 malintii dilli jireen waxay hadda kadib dilli doonaan 50 ama 60 haddba sidii ay doonan.

 wuxuuna intaas sii raaciyay in ay fiican tahay in america iyo international community-gu ay fahmaan arintaan hadii ay fahmi waayaana aysan Israel   ku qasbaneyn in ay u sharraxdo.

Macnaha fad ama ha fadine waa lagu fadsiin , oo ah wiixi an rabo ayaan sameyneyna ku farxa ama haku farxina!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Bal carabtiina!!!!!!!!!!!!!!

Aan ku hor marnee saxaafaa waddamada carabta ayaa indhaha ka xirtay xasuuqa Gazza ka socday iyaga oo inta badan daawadayashooda usoo sii daayay filimo musalsallo ah ama taxanne ah si aanba loo ogaan waxa halkasi ka socda.

Ururka jaamacadda carabta ilaayo hadda lagama haayo wax dhaafsiisan dhaleeceyn oo waliba aashuun lagula adimay,Waddamadda carabta ugu dhaqdhaqaaqa  badan sida Qatar ,Saudi Arabia iyo UAE sidoo kale afkii ayaa jabaqda gabay oo waxba lagama haayo.

Waxaan maqli jiray "ka daroo dibi dhal" waddanka Masar ayaa isagu kuwaas oo dhan kasii daray oo wuxuu xiray halkii jid ee u furnaa dadka dhibaateysan ee rer falastiin .saxaafada laga leeyahay dalkasi masar gaar ahaan kuwa Gaarka loo leeyahay  ayaa waxay ku booriyeen isreal in ay si fiican u leeyso canaasirta ururka xamaas ,masaarida koox ka mid ah ayaa waxay aaminsan yihin in ciidamo an tiro yareyn oo labo mar lagu kala dilay xuduuda masar iyo falastiin in ay ka danbeeyeen ururka xamaas.

Dilka dadka rayidka ah ,caruurta iyo dadka waayeelka ah carabeey Ban'iiadamnimaddu maxay ka qabtaa?

in ummad dhan waddankoodii lagu gumaado lana xasuuqo banii'aadamnimaddu maxay ka qabtaaa?

waxaan isleeyahay su'aashas in jawaab fudud loo heli karo marka arintu ku saabsan tahay muslim Gaal dhibaateeyay laakin marka ay tahay gaal muslim xasuuqay  jawaab si fudud loogama bixin karo oo waxaa haboon in laga wada aamuso !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Bal adba is weydii  ban'iidamku  ma kala naf qaalisan  yihin !!!!!!!!?



1 comment: