Tuesday, July 15, 2014

Qorshe Ganacsi

 Waa maxay qorshe Ganacsi? qaabka ugu fudud ee loo qeexi karo qorshe Ganacsi , waa hage sidoo kale waa Jidkii ad u qadi lahed Hiigsigaaga iyo faahfaahinta qorshahaga si ad u gaarto himilooyinkaaga. Qorshaha ganacsiga sidoo kale wuxu sharaxaad ka bixiyaa kooxda kula shaqeyneysa iyo in ay yihin kuwo awood u leh in ay Kugu Kaalmeeyan sidi aad u gaari lahed hadafyada ganacsigaga. Qorsheynta ganacsi Qoritaanka qorshe ganacsi oo dhameystiran ayaa ah talaabada ugu horeysa marka la bilaabayo ganacsi. Qorshahaaga ganacsi waa uu: Ku hagi doonaa marka aad ganacsigaaga dhab ka dhigaysid. Kaa caawin doonaa inaad ka baxsatid khaladaad kharash badan. Kaa caawin doonaa inaad dhaqaale ahaan is diyaarisid, haddii aad ku talogashay inaad adigu maalgalisid ganacsigaaga iyo haddii aad ku talogashay inaad cid kale ka heshid maalgalin. Kaa caawin doonaa inaad heshid kalsoonida dadka kale ee laga yaabo inay xiiseynayaan keeneyaal. Qaybta ugu qiimo badan qorshe ganacsi waa aqoonta aad heshid marka aad sameysid daraasad oo aad qortid. Inkasta oo ay soo jiidasho leedahy inaad kireysatid qof kuu diyaariya qorshahaaga, ama inaad iibsatid qorshe jira oo loogu talogalay nooca ganacsigaaga, waxa danta kuugu fiicani kuugu jirtaa inaad adigu hawsha qabatid. Taas macnaheedu ma aha inaad kaligaa qabatid. Waxa talo fiican ah inaad la shaqeysid bareyaal, la-taliyeyaal, ama talo-bixiyeyaal inta aad ku jirtid hawsha. Tilmaantoodu waxay kuu Keedin kartaa wakhti iyo dadaal badan. Qorshe Ganacsi oo waara guulna Gaara waxa uu ka kooban yahay. Bayaan Waxqabasho & Hadaf Bayaan waxqabasho waa sharaxaad gaaban oo qeexeysa waxa aad qaban doontid. Waxa uu adiga iyo dadka kula shaqeynaya ka cawinaaya in diirada lasaaro waxa muhiimka ah.Bayaan hadaf waxa uu ka jawaabaya su’aasha ah “Maxaan rabnaa inaan noqono?” Waxa uu ku siinaya tilmaan marka aad sameynaysid go’aanno saameyn doona mustaqbalka ganacsigaaga. Sharaxaad Ganacsi . Sharaxaaddaada ganacsi waxay ka jawaabaysa su’aalaha ah “kuma, maxay,goorma, iyo halkee” oo macnaheedu yahay Ruuxa ad dooneyso inad wax ka iibiso,waqtiga,iyo mesha ad dooneyso inad ganacsigaga ka fuliso ama ad ka bilaawdo , sidoo kale waxana ku jira lahaanshaha, nooca ganacsi, taariikhda bilaabista, iyo goobta.

No comments:

Post a Comment