Thursday, November 3, 2016

CILMI BAARIS LAGU SAMEEYAY MUWAADINIIN U KALA DHASHAY INGIRIISKA IYO SOOMAALIA


 Afar ruux oo laba Soomaali tahay labadana kalana Ingiriis yihiin ayaa cilmi baaris lagu sameeyay. Cilmi baarisktu waxay salka ku heysaa in lagu ogaado sida ay afartaas qofu u adeegsadaan xirfadaha ismaqalka , wada hadalka ,is qancinta iyo dhibaato xallinta .Waxaa koox kasta si gooni ah loogu dhiibay Caag laba midab oo kala gaddisan kooban. Caaggu dhinacna guduud ayuu ka yahay dhanka kalena caga...ar. Koox kasta waxaa loo qabtay in ay muddo toban daqiiqo ah kusoo saaraan midabka caagga.Shuruucda cilmi baarista waxaa ka mid ah in ruux kasta kaliya ku ekaado dhinaca soo jira ee uusan fiirin caagga dhinaciisa kale .
Doodii ayaa bilaabatay.
Labadii Nin ee Soomaalida aheyd :
Abdi: war haye gaaladaanu in ay na waalaan ayey rabaan caag uu indhooluhu xitaa arki karo midabkiisu inuu guduud yahay ayey na leeyiihin midabkiisa sheega . Balo idin heshay.
Faarax: Gaaladu caqli xumadaada ayey ogaayeen marka ay caaggan midabkiisa na weydiiyeen!. Ma caaggaan cagaarka ah ayaad leedahay waa guduud?!. Wallee adiga iyo gaaladii caaggaan cagaarka ah midabkiisa sheega na yiri in aadan kala rooneyn!.
Abdi: War illeen balo!. War ninyahow orod oo ookiyaalo soo xiro !.
Faarax: aniga ayaa kaa naxaayee , saaxiiboow , Karooto cun. Run ahaan indhahaagu baxar ayey ku jiraan haddiiba midabkii cagaarka ahaa ay guduud kaaga dhigeen.Intaas marka ay mareyso ayaa tobankii daqiiqo ee loo qabtay dhacday.
Dooddii Labadii Nin ee Ingitiiska ahaa:
Dunn: Waxaa nala faray in aan caaggaan midabkiisa soo saarno, soow ma ahan ?
Duff: Haa, waa runtaa. Aniga dhankeyga midabka caaggu waa cagaar.
Dunn: Hagaag. Sidaas si ka gaddisan anigu waxaan arkaa midab guduud ah !.
Duff: Markaas waxay ka dhigan tahay in caaggu laba midab oo kala gaddisan leeyahay?
Dunn: waa sidaas.
Waqtigii tobanka daqiiqo ahaa ee loo qabtay ayaa dhamaaday.
Ka dib kooxdii cilmi baarista sameeynaayay ayaa labadii nine e soomaalida ahaay weydiiyay midabka ay soo heleen. Mid ka mid ah ayaa yiri( Anigu waxaan soo ogaaday inuu caaggu cagaar yahay, ninkaan saaxiibkeey ahna wuxuu leeyahay caaggu waa guduud marka waa isku wareernay!). Wuxuu sii raaciyay “ haddii aad cilmi baaris danbe sameyneysaan nin wax arkaaya igu dara”. Kii kale oo xanaaqsan ayaa yiri “ war ninkaan waxba ma arko ee fadlan isbitaal u dira!”.
Labadii nin ee Ingiriiska ahaay ayaa la weydiiyay midabka ay soo heleen . Mid ka mid ah ayaa labadooda u hadlay wuxuuna yiri “ waxaan soo ogaannay in caaggu laba midab oo kala gaddisan leeyahay. Dhinac caggaar ah iyo dhinac guduud ah”.

FG: Cilmi barista aniga ayaa sameeyay, waana mid qiyaali ah .Kama dhigna in dhammaan soomaalidu ay sidaas u dhaqmaan.

No comments:

Post a Comment